Shaxda Ugu Qaalisan Taariikhda Kubada Cagta Oo La Soo Saaray.

Suuqa kala iibsiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay cirka u sii baxaya iyada oo kooxuhu lacago waali ah suuqa galinaya.

Kooxaha Chelsea, Man United, Real Madrid iyo kooxo kale ayaa suuqa galiyay lacag waali ah suuqii dhawaan xidhmay.

Waxa la soo saaray shaxda ugu qaalisan taariikhda kubada cagta iyada oo la isticmaalayo xiddigaha lacagta ugu badan lagula wareegay.

Kooxda PSG ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kuwaas oo kala ah Hakimi, Mbappe iyo Neymar.

Kooxaha Man United, chelsea iyo Barcelona ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig halka ay Juventus shaxda ku leedahay hal xiddig kaas oo ah daafaca De Ligt halka ay Real ku leedahay xiddiga Tchouameni.

Image