Shaxda Ugu Qaalisan Horyaalka La Liga Oo La Shaaciyay.

Shaxda ugu qaalisan joryaalk La Lia ayaa la soo saaray iyada oo Transfermarkt iyada oo lagu qiimeeyay shaxda qiimaha xiddigaha ee suuqa haatan horyaalka La Liga.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in ay Real Madrid shaxda ku leedahay kaliya 2 xiddig marka laga hadlayo shaxda ugu qaalisan horyaalka La Liga.

Xiddigaha Dani Carvajal iyo Mendy ayaa ah labada xiddig ee Real Madrid ee ka soo muuqday shaxda ugu qaalisan horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka kooxda Atletico Madrid dhankeeda shaxda ku leedahay 3 xiddig.

Kooxaha Sociedad iyo Sevilla ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kadib markii la shaaciyay shaxda ugu qaalisan horyaalka La Liga.

blog_image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*