Shaxda Ugu Fiican Wareegii 8 dhamaadka Copa America Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii 8 dhamaadka Copa America oo la ciyaaray maalmihii la soo dhaafay.

4 Xul ayaa isugu oo hadhay tartanka Iyada oo xulalkaas ku dagaalami doonaan ku guulaysiga koobka.

Kadib dhamaadkii wareega 8 dhamaadka Copa America waxa la soo saaray shaxda ugu fiican wareega 8 dhamaadka.

Xulka difaacanaya koobka Copa America ee Argentine ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig.

Sidoo kale xulka Colombia oo wacdaro dhigaya ayaa shaxda ku leh 3 xiddig iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulalka Venzuelaa ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka xulalka Brazil Iyo Ecuador shaxda ku leeyihiin in hal xiddig.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga