Shaxda Ugu Fiican Wareega Hore Ee Koobka Adduunka Oo La Soo Saaray.

Waxa shalay la soo afjaray wareega hore ee Koobka adduunka Iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh tartanka koobka adduunka ka socda dalka Qatar.

Xiddigo badan ayaa wacdaro dhigay kulamada furitaanka ee koobka adduunka iyaga oo muujiyay in ay noqon doonaan xiddigo ay xulalkoodu isku halayn karaan

Xulka Qatar ee marti galinaya koobka adduunka ayaa halis ugu jira in ay ka hadhaan tatranka xilli xulalka Germany iyo Argentina laga yaabsaday kulamadoodii furitaanka.

Hadaba waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee kulamada hore ee koobka adduunka ka socda dalka Qatar.

Xulalka Spain, France iyo England ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig kadib guulihii ay gaadheen.

Xulalka Brazil, Ecuador, Belguim Suadi Arabia iyo Japan ayaa sidoo kale shaxda ugu fiican kulamada wareega hore ee koobka adduunka.

WC TOTW MD1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*