Shaxda Ugu Fiican Wareega Group-yada Copa America Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo gaba-gabeeyay wareega Group-yada tartanka Copa America oo meel xiiso leh maraya.

8 Xul ayaa isugu hadhay tartanka iyada oo 8 kale ka hadheen intii uu socsay wareega Group-yada.

Kadib dhamaadkii wareega Group-yada ee Copa America waxa la soo saaray shaxda ugu fiican wareega Group-yada.

Xulalka Colombia Brazil Iyo Uruguay ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig.

Dhinaca kale xulalka Ecuador, Argentina, Venezuela, Canada Iyo Panama ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Halkan Kaga Bogo shaxda ugu fiican ee wareega Group-yada Copa America.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga