Shaxda Ugu Fiican Todobaadkii 32-aad Ee Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray

Waxa xalay la soo afjaray todobaadkii 32-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan xilli lagu sii dhawaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kooxda Man City ayaa dhulka ku jiiday kooxda dhawaan loo caleemo saaray horyaalka premier League iyaga oo kaga badiyay 4/0 kulan ka dhacay Etihad Staduim.

Todobaadka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah kooxaha badana gaadheen guul ay aad ugu baahnaayeen.

Shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkii 32-aad ee horyaalka Premier League iyada oo la soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh 3 halka Man United sidoo kale shaxda ku leedahay 3 xiddig kooxda Burnley ayaa iyaduna 2 xiddig u leh shaxda halka kooxaha Arsenal, Newcastle iyo Southampton ku leeyihiin min 2 xiddig.

PL TOTW GW32

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*