Shaxda Ugu Fiican Todobaadkii 3-aad Ee Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa xalay la soo afjaray todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League iyada oo ay dhacday lama filaano aad u waaweyn todobaadkan.

Kooxda Leicester City ayaa xasuuqday kooxsa Man City iyaga oo 5/2 ku garaacday dhabarkana City u saartay guuldaradii ugu horaysay.

Dhanka kale Chelsea ayaa bar-baro dirqi ah la gaadhay kooxda West Brom kadib markii 27 daqiiqo gudohood looga dhaliyay 3 gool kooxda chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn 3/1 ku garaacday kooxda Arsenal kulankii ugu xiisaha badnaa todobaadka horyaalka premier League.

Hadaba shabakaca BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee todobaadka 3-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Leeds United ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxaha Man United iyo Aston Villa ku leeyihijn min 2 xiddig.

Kooxaha Liverpool, Everton, Leicester City & Southampton ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kadib todobaadkii 3-aad ee premier Legaue.

Garth Crooks' team of the week

1 Comment

  1. Haal qaalad baaa jiiro bruno farnandes halaga baaxsho ee james middinson halagu badaalo biiiz ileen james middinson ka wax qawaad weyn oo game weyn ciyaraay marka bruno ma aqaan waaxa loogu soodaraay asagooo xabaad rigora ah la wareegahayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*