Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa salaasadii, Arbacadii iyo khamiistii la ciyaaray kulamo xiiso leh oo tartanka Premier League iyada oo ay kooxo badan heleen natiijooyinkii ay doonayeen.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa isugu jawaabay guulo ay ka kala gaadheen kooxda Aston Villa iyo Wolves iyaga oo ku sii tartamaya hogaanka premier League.

Dhanka kale Chelsea ayaa ku soo laabatay wadooyinka guulaha iyada oo garaacday kooxda dhibaatoonaysa ee Leeds kulan ka dhacay garoonka Elland Road.

Tartanka kaalinta 4-aad ayaa waji cusub yeeshay kadib markii ay Tottenham garaacday Arsenal kulan ka dhacay garoonka Spurs iyaga oo ku badiyay 3/0.

Leicester City ayaa garaacday Norwich City xilli ay Everton bar-baro la gashay Watford iyada ay jireen Natiijooyin kale oo dhacay.

Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray Shaxda ugu fiican todobaadka Premier League iyada oo la doortay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxaha Man City, Chelsea iyo Leicester City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig halka ay kooxaha Liverpool iyo Tottenham ku leeyihiin shaxda min hal xiddig.

PL TOTW midweek