
Waxa ka soo afjaray todobaadkii 27-aad ee Horyaalka Premier League.
Kooxda Liverpool ayaa 11 dhibcood ka Dhigtay dhibcaha ay ku hogaaminayso premier league xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa garaacday kooxda Man City iyaga ku garaacay 2/0 kulan ka dhacay Etihad.
Arsenal ayaa dhibco ku lumisay kulankii West Ham iyaga oo guuldaro lama filaan ah kala kulmay.
Chelsea ayaa iyaduna guuldaro kala kulantay kooxda Aston villa Halka ay Man United bar-baro la gashay kooxda Everton.
Kadib kulamadii la ciyaaray todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadkan.
Kooxda Brentford, Crystal palace iyo Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 2 xiddig.
Kooxaha West Ham, Liverpool, Bournemouth, Brighton iyo Newcastle ayaa shaxda ku leh min Hal xiddig.
Be the first to comment