Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray & Arsenal Oo Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh.

Waxa la soo saaray shaxdii ugu fiicnayd ee todobaadka premier League xilli ciyaareedkan waana mid ay aad u yartahay in la arko xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha in ay Arsenal ku leedahay xiddigaha ugu badan.

Gunners ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa kulankii ay 4/0 ku garaacday kooxda West Brom kulan dhacay Sabtidii.

Kooxda Man United ayaa hogaanka la qabatay kooxda Liverpool kadib markii ay garaaceen kooxda Aston Villa kulan ay si fiican u ciyaareen.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda ku dur-durisay kooxda lacagta badan is galisay suuqii xagaaga ee Chelsea iyaga oo garaacay.

Kooxaha Tottenham, Leicester City, West Ham iyo kooxo kale ayaa dhankodoa gaadhay guulo muhiim ah oo horyaalka premier League ah.

Hadaba shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan premier League kadib markii la ciyaaray todobaadkii 17-aad.

Kooxda Arsenal ayaa xiddigaha ugu Badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig.

Kooxaha West Ham iyo Man City ayaa dhankooda min 2 xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.

Kooxaha Man United, Leicester City iyo Crystal Palace ayaa dhankooda shaxda ugu fiican todobaadka premier League ku leh min hal xiddig.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*