Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray

Liverpool ayaa sii xoojisatay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay xasuuq 7/0 ah ka gadheen Crystal Palace kadib markii ay garaacen Tottenham bartamihii todobaadka.

Leicester City ayaa xaalka ku sii xumaysay kooxda Tottenham iyaga oo 2/0 uga badiyay halka ay Man United gaashay kaalinta 3-aad kadib guushii 6/2 ahayd ee ay ka gaadhay Leeds United.

Kooxda Aston Villa ayaa dhankeeda guul ka gaadhay West Brom halka ay Man City guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Southampton.

Dhanka kale Everton ayaa guuldaro kale kala kulantay kooxda Everton iyada oo ay sii socdaan dhibaatooyinkeeda xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa soo xidhay todobaadka kadib guul 3/0 ah oo ay ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Shabakada BBC-da ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League iyada oo ay soo xulatay 11-ka xiddig ee ugu fiican.

Kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 4 xiddig halka kooxaha Man United iyo Aston Villa ku lahaayeen min laba xiddig.

Kooxaha Chelsea, Everton iyo Leicester City ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premier Leageu.

Garth Crooks' team of the week: Martinez; MAtip, Silva, Mings; McTominay, Henderson, Sigurdsson, Fernandes; Salah, Vardy, Firmino

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*