Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Horyaalka La Liga Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga kuwaas oo la ciyaaray 3-dii maalin ee ugu dambaysay iyada oo ay kooxo badan heleen natiijooyin fiican.

Kooxaha Barcelona iyo Sevilla ayaa ah labada kooxood ee ka faa’iiday todobaadkan iyaga oo gaadhay guulo ka caawiyay in ay soo yareeyaan dhibcaha ay ka dambeeyeen kooxaha kaga horeeya horyaalka.

Barcelona ayaa garaacday kooxda Villarreal iyaga oo haatan la dhibco ah kooxda Real Madrid kuwaas oo bar-baro la galay kooxda Real Betis kulan horyaalka ahaa.

Dhanka kale Sevilla ayaa garaacday kooxda Granada iyaga oo kaliya 3 dhibcood u jira kooxda hogaaminaysa horyaalka La Liga ee Atletico Madrid kuwaas oo guuldaro la kulmay todobaadkan.

Shabakada Whoscored ayaa soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka La Liga ee todobaadka 33-aad kadib markii la soo afjaray todobaadka Isniinti xalay ahayd.

Kooxaha Sevilla iyo Real Sociedad ayaa shaxda ugu fician horyaalka La Liga ee todobaadkan ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh min laba xiddig.

Dhanka kale Kooxaha Atletico Madrid, Celta Vigo, Barcelona, Real Valladolid, Elche, Huesca iyo Getafe ayaa shaxda ku leh min ahl xiddig.

Image

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*