
Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka champions League oo la ciyaaray Salaasadii Iyo Arbacadii.
Kooxda PSG ayaa ka badisay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugta hore ee tartanka.
Dhinaca kale kooxaha Barcelona Iyo Inter ayaa kulan xiiso leh ku kala baxay iyaga oo bar-baro isku dhaafi waayay.
Waxa jiray xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas caawiyay kooxohooda.
UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka champions League iyada oo la qiimaynayo qaab ciyaareedka xiddigaha.
Kooxda PSG ayaa shaxda ku leh 4 xiddig kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Arsenal.
Waxa ku xiga Kooxaha Arsenal Iyo Inter ayaa shaxda ku leh min 3 xiddig halka ay Arsenal ku leedahay hal xiddig.
Be the first to comment