Shaxda Ugu Fiican Suuqa Ee Laga Sameeyay Saxiixyada Ay Sameeyeen Premier League

Kooxaha premier League ayaa si xoogan ugu jira suuqa xagaagan waxana ay haatanba sameeyeen saxiixyo waaweyn oo ay ku xoojinayaan kooxaha ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Saxiixyada Haalad, Nunez, Jesus & Martinez ayaa ka mid ah saxiixyada waaweyn ee ilaa haatan sameeyeen kooxaha premier League.

Kooxaha premier League ayaa suuqa galiyay lacag ku dhaw hal bilyan iyada oo aan wali la gaadhin wakhtigii uu suuqa kala iibsigu xidhmi lahaa.

Waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha ugu fiican ee ilaa haatan la sameeyay iyada oo la adeegsanayo sida ay xiddiguhu u kala fiicanyihiin ama u kala qaalisan yihiin.

Kooxaha Arsenal, Man City, Tottenham iyo Man United ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan halka ay kooxaha Aston Villa iyo Liverpool sidoo kale shaxda ku leeyihiin xiddigo.