Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadkii Ugu Horeeyay Oo La Soo Saaray

Premier League ayaa soo laabtay todobaadkan kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhamaantood guulo ku bilowday xilli ciyaareedka.

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool ayaa garaacday kooxda Leeds United kulan 7 gool la kala dhaliyay halka ay Arsenal guul ku hogaamiyeen saxiixyadeeda cusub kuwaas oo garaacay kooxda Fulham.

Chelsea ayaa dhankeeda guul qurux badna ka gaadhay kooxda Brighton halka Liecester City, Wolves Iyo Everton ay dhamaan guulo gaadheen kulamadooda.

Kadib markii la ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka todobaadkan waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigihii ugu fiicnaa.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxda Everton ku leedahay 2 xiddig.

Kooxaha Crystal Palace, Brighton, Wolves, Leicester City, Newcastle iyo Liverpool ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda.

Garth Crooks' team of the week: Salah, Gabriel, Willian, Rodriguez - BBC Sport

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*