Shaxda Ugu Fiican Premier League Bishii March Oo La Soo Saaray.

Shabakada whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican horyaalka Premier League bishii March ee la soo dhaafay kadib kulamo badan oo la ciyaaray bishii la soo dhaafay.

Bishii March ayaa la ciyaaray kulamo badan oo muhiim ah horyaalka premeir League iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah kooxohoodana ka caawiyeen guulo muhiim ah.

Kooxda Man City oo hogaaminaysa horyaalka premier League ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib qaab ciyaareed fiican oo ay kooxdu soo bandhigtay bishii dhamaatay.

Kooxaha Man united iyo leicester City ayaa dhankoda shaxda ku leh min 2 xiddig kuwaas oo dhankooda soo bandhigay qaab ciyaareed fiican bishii March.

Kooxaha Leeds United, Chelsea iyo Brighton ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig sida ay soo saartay shabakada caanka ah ee whoscored

Mahrez, Christensen and Iheanacho make our Premier League Team of the Month

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*