Shaxda Ugu Fiican Premier Leageu Todobaadka Oo La Soo Saaray

Kooxda Man City ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 4 guul u baahan si ay u xaqiiqsato ku guulaysiga horyaalka kadib guushii ay ka gaadheen leicester City.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa dhankooda 2 dhibcood u jirsatay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League kadib guushii 3/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Arsenal.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda guuldaro weyn oo lama filaan ah kala kulantay kooxda dhibaataysan ee West Brom halka ay Tottenham bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Newcastle United.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brighton halka ay Leeds United garaacday kooxda Sheffield United iyada oo kooxda Everton bar- baro la gashay Crystal Palace.

Hadaba shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premeir League kadib markii la ciyaaray todobaadkii 30-aad ee xilli ciyaareedka.

Kooxda liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ky leh 3 xiddig kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen kulankii Arsenal.

Kooxaha Man City iyo West Brom ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig halka kooxaha Crystal Palace, Tottenham, West Ham iyo Southampton min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.

Team of the week

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*