Shaxda Ugu Fiican Premeir League Ilaa Haatan Sanadka 2021 Oo La Soo Saaray

Iyada oo lagu jiro Fasaxii ugu horeeyay ee xulalka shabakada whoscored ayaa soo saartay shaxda ilaa haatan ugu fiican sanadka 2021 ee horyaalka Premier League.

Sanadka 2021 ayaa lagu jiraa bilihiisii ugu horeeyay laakiin waxa la ciyaaray kulamo badan kuwaas oo ay xiddigaha ka qayb galay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Man City ayaa u muuqata kuwo ku guulaysan doona horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo dhibco badan ka horeeya kooxaha kale ee kula tartamaya horyaalka premier League.

Kadib markii la ciyaaray kulamo badan ilaa aatan sanadka 2021 whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fician ilaa haatan sanadka iyaga oo qiimeeyay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Man City ayaa shaxda xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 6 xiddig marka loo eego in ay yihiin kooxda ilaa haatan ugu fiican sanadka horyaalka premier League.

Kooxaha Aston Villa, Man United, Chelsea, Tottenham iyo Leicester City ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican Premier League ilaa haatan sanadka 2021.

Dias and Fernandes miss out on Premier League Team of 2021

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*