Shaxda Ugu Fiican La Liga Bisha March Oo La Soo Saaray.

Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican Bisha March ee horyaalka La Liga xilli ay bishu dhamaan doonto saacado yar kadib.

Bishii March ayaa la ciyaaray kulamo badan oo horyaalka La Liga ah iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo kooxohooda ka caawiyay guulo badan oo horyaalka La Liga.

Kooxaha La Liga ugu waaweyn ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood bishii March gaadhay guulo muhiim ah iyaga oo isku baacsanaya ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig kadib bil cajiib ah oo ay soo ciyaareen bisha March guulo badana gaadheen.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankooda ku leh shaxda 2 xiddig halka kooxaha Atletico Madrid, Real Betis, Real Valladolid iyo Real Sociedad ayaa dhankooda ku leh shaxda min hal xiddig.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*