Shaxda Ugu Fiican Kulamadii Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Qaarada Yurub Oo La Soo Saaray.

Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnady ee kulamadii is reeb-reebka qaarada yurub ee tartanka koobka adduunka Qatar 2022.

Waxa salaasadii iyo Arbacadii la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee fasaxa xulalka ee bisha March iyada oo ay xulal badan ciyaareen kulamadooda is reeb-reebka koobka adduunka.

Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba xulalkooda guulo waaweyn ku hogaamiyay kulamada is reeb-reebka tartanka koobka adduunka.

Kadib markii ay soo dhamadeen fasaxa xulalka shabaakda WhoScored ayaa soo xulatay xiddigihii ugu fiicnaa ee todobaadkii ugu dambeeyay ee kulamada heerka caalami is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka Belguim oo 8/0 kaga badiyay xulka Belarus ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 4 xiddig sidoo kale xulka Netherlands oo guul 7/0 ah ka gaadhay xulka Gibraltar ayaa shaxda ku leh 4 xiddig.

Xulalka Serbia, Scotland, Lithuania iyo Portugal ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kuwaas oo ahaa xiddigigii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay kulamada xulalkooda.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*