Shaxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Todobaadkan Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 32-aad ee horyaalka La Liga iyada oo uu tartanku sii xoogaysanayo waliba marayo meel xiiso iyo xamaasad leh xilli lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Atletico Madrid ayaa dib u soo ceshatay hogaankeeda horyaalka kadib markii ay garaaceen kooxda Levante kuna sii dhawaanaya in ay ku guulaystaan horyaalka hadii ay sidaas u sii socdaan.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa ku sii jirta kaalinteeda 2-aad kadib markii ay garaaceen kooxda Cadiz iyaga oo sii wada baacsiga ay ugu jiraan kooxda ay jaarka yihiin.

Sidoo kale Barcelona ayaa ku soo laabatay kaalinta 3-aad kadib markii ay u wayday Sevilla waxana ay sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka 32-aad kadib markii la ciyaaray dhamaan kulamadii todobaadka iyaga oo soo qaatay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid iyo Franada ayaa min 2 xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka La Liga kadib markii ay guulo muhiim ah gaadheen.

Dhanka kale kooxaha Huesca, Elche, Real betis iyo Osasuna ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka La Liga.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*