UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Tartankii Euro 2020

Waxa la soo afjaray tartanka euro 2020 kaas oo muddo bil ah socday lana soo ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh kuna tartameen xulalka ugu waaweyn qaarada yurub.

Xulka qaranka Italy ayaa ku guulaystay koobka euro 2020 iyaga oo ka qaaday xulka qaranka England kulan ka dhacay goornka Wembley.

Kadib dhamaadka tartanka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican tartanka euro 2020 iyada oo la soo xushay 11-kii xiddig ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Xulka Ku Guulaystay tartanka ee Italy aya shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig kadib markii ay wacdaro soo bandhigeen tartanka.

Xulka Laga qaaday koobka ee England ayaa dhankiisa shaxda ku leh 3 xiddig kadib markii ay gaadheen final-ka euro-da markii ugu horaysay taariikhdooda.

Xulalka Denmark, Spain iyo Belguim ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kuwaas oo si fiican u ciyaaray tartanka.

Image

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*