Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Xiddigihii Ay Chelsea Iska Fasaxday Taageeriikhdooda.

Taageerayaasha chelsea ayaa ku faraxsan soo laabashada Romelu Lukaku ee suuqii xagaaga kadib markii uu kaga soo laabtay Inter Milan.

Xaqiiqada ayaa ah in ay chelsea wakhtiga qaar haystay xiddigaha ugu fiican Premier League laakiin waxa ay kooxdu si lama filaan ah isaga fasaxday xiddigahaas.

Salah iyo De Bruyne ayaa tusaale weyn u ah xiddigaha chelsea ay iska fasaxday ee haatan wacdaraha ka dhigaya kubada cagta kana mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka.

Sidoo kale Romelu Lukaku ayay mar ku dhacday seefta chelsea iyada oo iska fasaxday sanadkii 2014 markaas oo uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Hadaba waxa la soo saaray shaxdii ugu fiicnayd ee ay chelsea iska fasaxday sanadihii ugu dambeeyay kuna guulaysan kara champions league hadii ay haatan isku yimaadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*