Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Xiddigaha Gaadhay Semi-final-ka Euro 2020 Oo La Soo Saaray.

Waxa maanta la ciyaarayaa kulanka 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Euro 2020 shabakada Whoscored ayaana soo xulatay shaxda isku dhafka ah ee xulalka iska xaadriyay Semi-final-ka.

Xulka England ayaa ka hor tagi doona xulka Denmark halka kulanka ugu adag yahay kulanka dhexmari doona xulalka Italy iyo Spain iyada oo xulalkaas u dagaalamayaan booska final-ka euro 2020.

Ka ciyaarista Semi-final-ka euro 2020 waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee laga sameeyay xiddigaha ka tirsan 4-ta xul ee gaadhay Final-ka Euro 2020.

Xulka England ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kuwaas oo helay qiimaynta ugu saraysa halka uu xulka Qaranka Italy ku leeyahay 3 xiddig.

Dhanka kale xulalka Denmark iyo Spain ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kuwaas oo helay dhankooda qiimaynta ugu saraysa xiddigaha ay isku xulka Yihiin.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*