Shaxda Ugu Fiican Ee Ay Real Madrid Ku Ciyaari Karto Kulamada Bisha October

Kooxda Real madrid ayaa ciyaari doonta 4 kulan bishan haatan lagu jiro ee October kadib fasaxa xulalka iyada oo ay 2 kulan yihiin kuwo aad u waaweyn.

Kulamadaas hal kulan oo ka mid ah waxa ay ciyaari doonaan tartanka champions League halka ay 3-da kulan ee kale noqon doonaan horyaalka La Liga.

19 Bisha October Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka champions League.

24 October Real Madrid ayaa marti noqon doonta kooxda Barcelona kulanka El Clasico oo noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadaan xilli ciyaareedkan.

27 October waxa ay Real Madrid marti galin doontaa kooxda Osasuna kulan ka tirsan La Liga ka hor inta ayna 31 bisha la ciyaarin kooxda Elche kulan ay marti noqon doonto.

Hadaba Halkan Kaga bogo shaxda ugu fician ee ay Real Madrid ku badin karto dhamaan kulamadaas:

blog_image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*