Shaxda Ugu Fiican Bishii October Horyaalka Premier Leageu Oo La Soo Saaray.

Waxa dhamaatay bil adag oo la soo ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo aad u badan.

Bishii October waxa jiray xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kooxohoodana u shaqeeyay dhibco iyo waliba guulo muhiim ah.

Shabakada whoscored ayaa soo saartay shaxda ay ka samaysay xiddigihii sida fiican u ciyaaray qaab ciyaareedka fiicana soo bandhigay bishii October.

Kooxda Chelsea ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 daafacyadeeda ah kuwaas oo qaab ciyaareed aad u fiican soo bandhigay.

Kooxaha Wolves iyo Tottenham ayaa ku leh min laba xiddig dhankooda shaxda ugu fiican bishii October ee horyaalka premier league.

Kooxaha Newcastle, Everton, Man United iyo Aston Villa ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican bishii October ee dhamaatay.

Improved defence sees Chelsea trio make Premier League team of the month

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*