Shaxda Ugu Fiican Adduunka Vs Shaxda Ugu Mushaharka Badan Adduunka: Farqi Weyn Oo U Dhexeeya.

Kubada cagta waxa jira xiddio qaata wax ka badan inta uu qaab ciyaareedkoodu u ogolaado waxana uu wargayska MARCA soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha haatan ugu fiican adduunka iyo waliba xiddigaha ugu mushaharka badan kubada cagta adduunka.

Wakiilo xirafad badan leh iyo waliba kooxo baahan ayaa ah sababaha ay labada shax farqigu ugu dhexeeyo iyo waliba rabitaanka in ay kooxuhu gacanta ku dhigaan xiddigaha da’yarka ah.

Markii la is bar-bar dhigay waxa jira farqi weyn oo u dhexeeya inkasta oo la doortay xiddigo aad u badan.

Waxa jira 5 xiddig oo uuna wax muran ah ka jirin labada shaxood kuwaas oo hela lacagtooda waxana ay kala yihiin Sergio Ramos, Virgil van Dijk, Kevin De Bruyne, Lionel Messi & Neymar.

Shaxda Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Adduunka:

Sidoo kale waxa jira xiddigo qaab ciyaareedkoodu hoos u dhac ku jiro laakiin wali miiska loo saaro laca fiican sida Antoine Griezmann oo Barcelona u ciyaara, David De Gea Oo Man United u ciyaara iyo Gareth Bale oo u ciyaara Tottenham laakiin amaah uga Maqan Man United.

Shaxda Ugu Fiican Adduunka:

Xiddigaha Erling Haaland, Kylian Mbappe Alphonso Davies iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ah xiddigaha ugu fiican adduunka haatan waxana aad dareemaysaa in ayna wakhti dheer noqon doonin in ay ku biiraan Liiska xiddigaha ugu mushaharka badan.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*