Shaxda Ugu Fiican 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Soo Saaray.

Shabakda Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn xilli ciyaareedka dhamaaday.

Waxa bilowgii todobaadkan soo afjarmay xilli ciyaareedka 2021/2022 iyada oo ay horyaalada waaweyn ee yurub soo xidhmeen.

Whoscored oo qiimayn ku samaysay qaab ciyaareedka xiddigaha ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ayaa soo saartay shaxdoooda ugu fiican.

Waxa shaxda laga waayay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah inkasta oo ay ka mid ahaayeen xiddigihii ugu fiicanaa premier League.

Sidoo kale waxa shaxda ka maqan xiddiga Borussia Dortmund haatana ku biiray Man City ee Erling Haaland inkasta oo uu si fiican ugu ciyaaray Dortmund.

Kooxaha Liverpool, PSG iyo Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan xilli ay ku leeyihiin min 2 xiddig.

Kooxaha Ac Milan, Freiburg, Bayern Munich, RB Leipzig iyo Real Madrid ayaa shaxda dhankooda ku leh min hal xiddig.

1 Comment

Comments are closed.