Shaxda Ugu Adag Ee Ay Man United Ku Ciyaari Karto Kulamada Bisha October.

Man United ayaa ku soo laaban doonta ciyaaraha todobaadka dambe kadib dhamaadka fasaxa xulalka.

Red Devils ayaa ciyaari doonta kulamo adag bisha October horyaalka premier League iyaga oo u baahan in ay natiijooyin fiican ka helaan kulamada.

Nasiib wanaaga Ole Gunnar Solskjaer, waxa uu haysan doonaa koox buuxda oo taam ah kadib fasaxa xulalka iyada oo xiddigihiisu dhamaan u soo laaban doonaan.

Rashford ayaa ku soo laabtay tababarka waxana uu taam u noqon doona kulanka Leicester City ee horyaalka Prmeier League.

Man United ayaa bisha October kulamo la ciyaari doonta kooxaha Leicester City, Liverpool & Tottenham Hotspur Horyaalka Premier Leageu xilli ay kulamo champions League ah u dheeryihiin.

Hadaba waxa aan halkan ku eegi doonaa shaxda ugu adag ee ay Man United ku ciyaari karto kulamada bisha October.

blog_image

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*