Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Arsenal : Dagaalka Labadii Saaxib

Manchester City ayaa garoonkeeda caawa ku soo dhaweyneysa Arsenal iyadoo tababare Pep Guardiola uu dib ugu soo dhaweynayo garoonka caawiyihiisii hore Mikel Arteta oo haatan hogaaminaya xiddigaha Gunners.

Arteta ayaa u baahan inuu guul ku hogaamiyo kooxdiisa caawa si uu u muujiyo in Arsenal ay horumar weyn sameysay bilihii ugu danbeeyay halka Man City ay dooneyso inay boorka iska jafto oo ay wadada guusha cagta saarto.

Manchester City lagama badinin sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Arsenal, guuldaradii ugu danbeysay waxay aheyd mid 2-1 oo soo gaartay sannadkii 2015.

SHAXDA RASMIGA AH:

Kevin de Bruyne ayaa kulankaan ku seegaya dhaawac soo gaaray intii uu la maqnaa xulka dalkiisa Belgium, wuxuuna miiska daaweynta kula biirayaa Gabriel Jesus oo isna waqti aan la cayimin garoomada ka maqanaanaya.

Sergio Aguero oo qaliin looga sameeyay jilibka bishii Juun ayaa soo laabtay isagoo lagu soo bilaabay shaxda islamarkaana hogaaminaya weerarka halka Raheem Sterling, Joao Cancelo iyo Bernando Silva ay ka soo kabsadeen dhaawacyadii ay qabeen iyagoo ku soo bilowday kulanka caawa.

Dhanka kooxda Arsenal saxiixa cusub Thomas Partey ayaa kursiga keydka fadhiya iyadoo la filayo inuu qeyb ka ciyaaro kulanka caawa, halka David Luiz keyd la geliyay iyadoo Gabriel uu ka garab ciyaarayo Holding.

Weerarka waxaa isla hogaaminaya Aubameyang, Willian iyo Pepe iyadoo Xhaka, Saka iyo Ceballos ay khadka dhexe ka ciyaarayaan.

Man City: Ederson, Walker, Dias, Ake, Cancelo, Rodrigo, Foden, Silva, Mahrez, Aguero, Sterling.

Keyd: Steffen, Stones, Gundogan, Torres, Fernandinho, Delap, Garcia.

Arsenal: Leno, Holding, Gabriel Magalhaes, Tierney, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Saka, Willian, Aubameyang, Pepe.

Keyd: Runarsson, Lacazette, Maitland-Niles, Partey, Luiz, Elneny, Nketiah.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*