Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal Vs Tottenham: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Labada Kooxood.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa soo saaray shaxda ay isaga hor iman doonaan kulanka adag ee North London Derby kulan ka tirsan horyaalka premier League

Mikel Arteta ayaa kulanka ku soo galay shaxdiisa ugu adag iyada oo ay taam noqdeen xiddigihii laga shakisanaa taam ahaanshohooda ka hor kulanka.

Xiddigaha Zinchenko iyo Partey ayaa taam buuxa u noqday kulanka kuna bilowday shaxda Gunners ee kulanka xilli uu xiddiga Tierney sidoo kale kaydka ka soo muuqday.

Dhinaca kale Conte ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigaha Richarlison, Kane, Son kuwaas oo wada hogaaminaya weerarka kooxda Tottenham ee kulanka.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli, Jesus

Kaydka: Turner, Tierney, Tomiyasu, Holding, Lokonga, Vieira, Marquinhos, Nelson, Nketiah

Tottenham: Lloris, Romero, Dier, Lenglet, Emerson, Hojbjerg, Bentancur, Perisic, Richarlison, Kane, Son.