Shaxda Macquulka Ah, Xiddigaha Seegi Doona, Xiddigaha Shakigu Ku Jiro & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Man City Vs PSG.

Koxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda PSG iyaga oo isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Final-ka tartanka markii ugu horaysay taariikhdooda kulan ka tirsan Lugta 2-aad ee Semi-inal-ka tartanka champions League.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug la galay Final-ka kadib markii ay guul 2/1 ah ka soo gaadheen PSG kulankii lugtii hore ee ay martida u ahaayeen kooxda PSG.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa xiddigaha dhaawacan, xiddigaha shakigu ku jiro iyo xiddigaha ganaaxa ku seegi doona kulanka:

MANCHESTER CITY vs. PARIS SAINT-GERMAIN

MANCHESTER CITY:

Xiddigaha Seegi doona Kulanka: Eric Garcia (Xanuun).

Xiddigaha Shakigu ku jiro: Ma jiraan xiddigo laga shakisanyahay.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Man City ku ciyaarto: Ederson; Walker, Dias, Stones, Zinchenko; Rodri, Gundogan, Silva; Mahrez, De Bruyne, Foden

PARIS SAINT-GERMAIN:

Xiddigaha Seegi doona Kulanka: Idrissa Gueye (Ganaax), Juan Bernat (Dhaawac Jilibka ah), Alexandre Letellier (Dhaawac bawdada ah).

Xiddigaha Shakigu ku jiro: Kylian Mbappe (Dhaawac kubka ah), Colin Dagba (dhaawac kuraanta ah).

Shaxda Laga Yaabo In Ay PSG ku soo gasho Kulanka: Navas; Florenzi, Marquinhos, Kimpembe, Bakker; Paredes, Herrera; Di Maria, Verratti, Neymar; Mbappe.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*