Shaxda Macquulka Ah, Xiddigaha Seegi Doona, Xiddigaha Shakigu Ku Jiro & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Chelsea Vs Real Madrid.

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galay iyaga oo isha ku haya final-ka tartanka champions League iyo waliba in ay balansadaan kooxda Man City ee haatanba iska xaadirisay Final-ka tartanka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo haysta fursad isku dheeli tiran maadama ay kulankii lugtii hore ku soo kala bexeen bar-baro min hal gool ah waliba natiijadu u dhici karto dhinac walba.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa wararkii ugu dameeyay ee labada kooxood ee Shaxda Macquulka Ah, Xiddigaha Seegi Doona, Xiddigaha Shakigu Ku Jiro kulanka.

CHELSEA vs. REAL MADRID

CHELSEA:

Xiddigaha Seegi Doona Kulanka:  Mateo Kovacic (Dhaawac bawdada ah).

Xiddigaha Shakigu Ku Jiro: Antonio Rudiger (Dhaawac madaxa ah), Mason Mount (Dhaawac dhabarka ah).

Shaxda Macquulka ah ee ay chelsea ku soo gali karto: Mendy; Silva, Rudiger, Christensen; Azpilicueta, Jorginho, Kante, Chilwell; Mount, Pulisic; Havertz

REAL MADRID

Xiddigaha Seegi doona kulanka: Dani Carvajal (Dhaawac muruqa ah), Lucas Vazquez (Dhaawac jilibka ah), Raphael Varane (dhaawac muruqa ah).

Xiddigaha uu shakigu ku jiro: Sergio Ramos (Dhaawac kubka ah), Ferland Mendy (Dhaawac kubka ah), Federico Valverde (Xanuunka Korona),

Shaxda Macquulka ah ee ay Real ku soo gali karto: Courtois; Odriozola, Militao, Nacho, Mendy; Casemiro, Kroos, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius Jr.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*