Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto Crystal Palace, 4 Is Badal Ayuu Solskjaer Samayn Doonaa.

Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Crystal Palace kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 27-aad.

Solskjaer ayaa doonaya in uu halka dambe iska dhigo natiijadii kulankii Chelsea ee bar-baraha ku dhamaaday waliba kooxdiisa guul ku hogaamiyo.

Solskjaer ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa 4 xiddig oo aan ciyaarin kulankii ugu dambeeyayna ku bilaabo shaxdiisa.

Goolhaye Henderson ayaa la filaaya in uu booska kala boxo Goolhaye David De Gea halak xiddigaha Van de Beek iyo Matic khadka dhexe kala bixi doonaan xiddigaha Fred iyo McTominay.

Ugu dambayn Martial ayaa booska kala bixi doona xiddiga da’yarka ah ee Mason Greenwood kaas oo ku bilowday shaxda kooxda kulankii chelsea.

How Manchester United should line up vs Crystal Palace in opening Premier  League fixture - Samuel Luckhurst - Manchester Evening News

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*