Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto Aston Villa, Solskjaer Oo 4 Badal Ku Samayn Kara Shaxdiisa.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Old Trafford.

Man United aya ka soo laaban doonta 4 maalin oo ayna wax kulan ah ciyaarin waxana la filayaa in uu Ole Gunnar Solskjaer ku soo galo shax adag.

Solskjaer ayaa la filayaa in uu 4 is badal ku sameeyo kooxdiisa kulanka caawa isaga oo ku bilaabi doona khadka dhexe xiddigaha McTominay iyo Fred kuwaas oo booska kala bixi doona xiddigaha Nemanja Iyo Paul Pogba oo ciyaaray kulankii Wolves.

Dhanka weerarka Greenwood iyo Martial Ayaa ku soo laaban doona shaxda iyaga oo badali doona Daniel James iyo Edinson Cavani oo ku biloday kulankii ugu dambeeyay.

MNUXI VS. AST

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*