Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto Arsenal Kulanka Emirates.

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Arsenal kulan adag oo premier League ah kana dhici doona Emirates Staduim kaas oo ka tirsan premier League.

Man United ayaa kulanka soo galays iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee soo gaadhay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu ku soo galo shaxdiisa ugu adag si ay kooxdiisu u gaadho guul ay si aad ah ugu baahantahay.

Daafaca Bailly ayaa la filaaya in uu ku soo laabto shaxda Red Devisl si la mid ah Shaw ayaa la filayaa in uu ku soo laabto shaxda kadib markii la nasiyay kulankii Sheffield United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*