Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Caawa Kaga Hor Tagto PSG.

Kooxda Man United ayaa caawa la ciyaari doonat kooxda PSG kulan adag oo ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.

Man United ayaa booqanaysa garoon ay xasuus fiican ku leedahay kadib markii ay soo laabashadii cajiibka ahayd samaysay sanadkii ugu dambaysay champions Leageu.

Laakiin Man United ayaa kulanka gali doonta iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah kuwaas oo sababo kala duwan ku seegi doona kulanka.

Kabtanka ahna daafaca kooxda ee Harry Maguire ayaa kulanka ku seegi doona dhaawac ka soo gaadhay kulankii uu xulka qaranka England u ciyaaray.

Dhanka kale waxa wali kulankiisii ugu horeeyay sugi doona xiddiga Edinson Cavani kaas oo aan dhankiisa la safrin xiddigaha kooxda Man United.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United kaga hor tagto PSG caawa.

How Man Utd could line up to take on PSG on Tuesday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*