Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Southampton, Miyuu Thiago Ku Bilaabanayaa?

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan todobaadkii 17-aad ee Premier League kulan ka dhici doona Anfield.

Reds ayaa kulanka soo gali doonta iyaga ku qasban in ay guul gaadhaan kadib laba kulan oo guul la’aan ah oo ay bar-baro galeen premier League.

Tababare Klopp ayaan ka wal-walayn dhaawacyo cusub isaga oo haysta koox dhamaystiran marka laga reebo xiddigihii horay uga maqnaa kooxdiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda markii ugu horaysay tan ilaa kulankii Everton ee uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino ayaa la filayaa in ay hogaamiyaan weerarka kooxda Liverpool Kulanka.

Possible LIV XI vs. SOU

1 Comment

  1. Asc sxb waaxba qaldesan ee Liverpool masoo dhaweneso Southampton ee Liverpool ayaa marti ah iska saxa qoralka inta iidan soo post gareen. Ahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*