Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Caawa Kaga Hor Tagto Burnley.

Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonta kooxda Burnley kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona Anfield.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku qasban in ay guul gaadhaan kadib markii ayna guul gaadhin 3-dii kulan ee ugu dambaysay Premier Leageu.

Klopp ayaa haysta koox buuxda marka laga reebo xiddigii mudada dheer dhaawaca uga maqnaa waxana uu soo xulan karaa shax adag.

Daafaca Joel Matip ayaa ku soo laaban kara shaxda Reds kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii uu ku seegay kulamadii ugu dambeeyay.

Taas ayaa keenaysa in uu Jordan Henderson dib ugu laabto shaxda dhexe kana garab ciyaaro xiddiga Thiago iyo Jones oo la filayo in ay dhexda ku bilowdaan.

Possible LIV XI vs. BUR

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*