Shaxda Laga Yaabo In Ay isaga Hor Yimaadaan Arsenal & Liverpool, Is Badal Weyn Ayay Samaynayaan.

Kooxaha Liverpool & Arsenal ayaa isaga hor iman doona garoonka Anfield kulan ka tirsan Carabao Cup-ka kulan ka tirsan Caraboa cup-ka.

Labada tababare ee Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta ayaa la filayaa in ay is badal ku sameeyeen shaxda ay isaga hor imanayaan kulanka caawa.

Labada kooxood ayaa lagu xasuustaa kulanki 5/5 ahaa ee ay isla tartankan isaga hor yimaadeen sanadkii hore wareegyada hore ee tartanka.

Tababare Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu ku soo galo shax adag maadama uu doonayo in uu ka soo aar guto Liverpool guuldaradii ugu dambaysay.

Goolhayaha cusub ee Runar Alex Runarsson ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Gunners si la mid ah xiddigaha Gabriel Magalhaes, Bukayo Saka, Nicolas Pepe, Eddie Nketiah, Sead Kolasinac & Dani Ceballos ayaa la filaa in algu bilaabo shaxda.

Dhanaka kale Liverpool ayaa la filayaa in uu ku bilaabo isla shaxdii kulankii ay 7/2 ugu badisay tartanka Caraboa cup-ka.

Shaxda laga yaabo in ay labada tababare ku bilowdaan kulanka:

Liverpool: Adrian; N Williams, Gomez, Van den Berg, Tsimikas; Jones, Grujic, Shaqiri; Elliott, Minamino, Origi

Arsenal: Runarsson; Saliba, Gabriel, Kolasinac; Cedric, Willock, Ceballos, Saka; Pepe, Nketiah, Nelson

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*