Shaxda Laga Yaabo In Ay Isaga Hor Tagaan Xulalka Turkey & Italy Kulanka Caawa.

Waxa caawa si Rasmi ah u bilaaban doona tartanka Euro 2020 oo ay isaga hor iman doonaan xulalka Turkey iyo Italy kuwaas oo kulankooda uu horeeya ku calaf qaadi doona.

Labada xul ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya in ay guul ku bilowdaan tartanka maadama ay u baahanyihiin in ay wareega xiga u soo baxaan waliba kaalinta 1-aad ku dhamaystaan.

Xulalka ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah iyo waliba xiddigo da’yar iyo khabiiro ah oo isku jira waxana ay doonayaan in ay guul gaadhaan kulankan muhiimka u ah labada xul.

Italy iyo Turkey ayaan ka cabanayn wax dhaawacyo ah waxana ay haystaan xiddigo taam ah iyaga oo adeegsan kara dhamaan xiddigaha ay u soo xusheen tartanka Euro 2020.

Hadaba halkan Kaga Bogo Shaxda macquulka ah ee ay labada xul ku ciyaari doonaan:

Turkey: Cakir; Celik, Demiral, Soyuncu, Meras; Yokuslu; Calhanoglu, Tufan, Under; Yazici; Yilmaz

Italy: Donnarumma; Florenzi, Bonucci, Chiellini, Spinazzola; Barella, Jorginho, Locatelli; Berardi, Immobile, Insigne

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*