
Chelsea ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha premier League marka ay kooxda Fulham martida ugu noqon doonto garoonka Craven Cottage kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka.
Blues ayaa garaacday kooxda Morecambe Kulan ka tirsanaa FA Cup-ka laakiin kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 6-dii kulan ee premier League iyaga oo hoos ugu dhaadhacay kaalinta 9-aad ee kala saraynta premier League.
Kooxda Frank Lampard ayaa ku jirta wakhti adag iyada oo uu Lampard wajahayo cadaadis xoogan oo dhanka natiijooyinka ah.
Lampard ayaa la filayaa in uu kulankan ku soo galo shaxdiisa ugu adag si uu guul u gaadho ugana boxo cadaadiska badan ee saaran.
Be the first to comment