Shaxda Laga Yaabo In Ay Chelsea Kaga Hor Tagto Rennes Kulanka Caawa, Laba Xiddig Ayuu Lampard Nasinayaan.

Tababaraha kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa la sheegayaa in uu kulanka caawa ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Rennes kulan ka tirsan champions League in uu nasin doono xiddigo dhawr ah kuwaas oo uu kaydka dhigi doono.

Wargayska Express ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda uu tababare Lampard ku soo gali karo kulanka caawa ee champions League.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Lampard kaydka dhigi doono xiddigaha reer Germany ee Kai Havertz & Timo Werner si uu u nasiyo labada xiddig.

Sidoo kale Lampard ayaa nasin doona xiddiga Thiago Silva kaas oo uu ciyaarsiiyay kulankii Burnley ee horyaalka premier League.

Shaxda laga yaabo in uu Lampard ku soo galo kulanka Rennes ee Caawa:

Chelsea: Mendy; Chilwell, Rudiger, Zouma, Azpilicueta; Jorginho, Kante; Hudson-Odoi, Mount, Ziyech, Abraham.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliland Oo Xukun Adag Oo Lacag & Xabsi Isugu Jira Ku Riday Agaasimaha Guud Ee TV-ga Astaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*