Shaxda Laga Yaabo In Ay Borussia Dortmund Kaga Hor Tagto Kooxda Wolfsburg

Kooxda Borussia Dortmund ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolfsburg kulan ka tirsan horyaalka Bundesliga ee dalkaas kulanka oo ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka.

Kulanka oo lagu ciyaari doono bilaa taageerayaal sabab la xidhiidha xanuunka Korona ayay labada kooxood u soo galayaan iyaga oo isha ku haya in ay helaan 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Dortmund ayaa kulanka soo galaysa iyada oo 4/0 ku soo garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Schalke todobaadkii hore waliba doonaya in ay sii wadaan guulaha cadaadiskana ku sii hayaan Bayern Munich.

Kooxda Borussia Dortmund oo Salaasada kulan adag la ciyaari doonta Bayern Munich ayaa la filayaa in uu tababaraha kooxdaas ee Lucien Favre shaxdiisa is badal ku sameeyo xiddigaha qaarkoodna Nasiyo.

Dhanka kale kooxda Wolfsburg ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 2/1 kaga soo badiyay kooxda Augsburg todobaadkii hore waxana ay doonayaan in ay sii wadaan guulaha si ay ugu dagaalamaan boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda suurtagalka ah ee laga yaabo in ay Dortmund kaga hor tagto kooxda Wolfsburg.

Possible BVBXI vs. WOL

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*