Shaxda Laga Yaabo In Ay Bayern Munich Kaga Hor Tagto Kooxda Eintracht Frankfurt

Kooxda Bayern Munich ayaa kulan adag marti galinaysa kooxda Eintracht Frankfurt kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka Bundesliga.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoonka Allianz Arena waxana ay Bayern Munich isha ku hayaa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah iyo waliba hogaanka horyaalka.

Bayern Munich oo 5/1 ku xasuuqday kooxda Union Berlin todobaadkii hore ayaa isha ku haya in ay sii wada qaab ciyaareedka cajiib ah.

Tababare Hansi Flick ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa sabab la xidhiidha kulanka bartamaha todobaadka ee ay la ciyaari doonaa Borussia Dortmund.

Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda laga yaabo in ay Bayern Munich kaga hor timaado kooxda Eintracht Frankfurt.

Advertisements

Possible BAYXI vs. EIF

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*