Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Sevilla, Semi-Final-ka Copa De Rey-ga.

Kooxda Barcelona ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga kulan xiiso leh.

Ronald Koeman ayaa la filayaa in uu shaxdiisa dib ugu bilaabo kabtankiisa Lionel Messi kadib markii uu kaydka ku bilowday kulankii Real Betis ee horyaalka.

Dhanka kale Koeman ayaa la filayaa in uu kulanka ku soo galo shax adag isaga oo isha ku haya in uu Final-kiisii ugu horeeyay la gaadho kooxda Barcelona.

Xiddigaha Griezmann iyo Dembele ayaa la filayaa in ay weerarka la hogaamiyaan Messi kulanka caawa marka loo eego in ay labada xiddig qaab ciyaareed fiican ku jiraas kulamadii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*