Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Espanyol.

Kooxda Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda ay jaarka yihiin ee Espanyol kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa doonaysa in ay guul ka gaadho kulanka si ay cadaadiska ugu sii hayso hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Real Madrid hal dhibicna u jirsato.

kooxda ku guulaystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore ayaa 4/1 ku garaacday koxda Villarreal Axadii laakiin waxa ay 4 dhibcood ka dambaysaa kooxda Real Madrid.

Tababare Setien ayaa la filayaa in uu shax adag ku soo galo ciyaarta uguna horeeyo xiddiga Griezmann kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Villarreal.

Hadaba wargayska Sport ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Barcelona kulanka caawa ee horyaalka La Liga:

POSS BARXI vs. ESP

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*