Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Caawa Kaga Hor Tagto Real Valladolid

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqonaysa kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka José Zorrilla.

Barcelona ayaa isha ku haysa guusheedii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka La Liga marka ay la ciyaari doonaan kooxda Real Valladolid.

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa soo garaacday kooxaha Villarreal iyo Espanyol 2-dii kulan ee hore laakiin waxa ay wali 4 dhibcood ka horaysaa hogaamiyayaasha horyaalka ee Real Madrid.

Quique Setien ayay xiddigo dhawr ah kaga maqanaan doonaan dhaawac laakiin waxa uu haystaan ama taam u ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa marka uu ka hor tagayo kooxda kaalinta 14-aad ku jirta ee Real Valladolid.

Wargayska Sports Mole ayaa saadaaliyay shaxda laga yaabo in ay Barcelona kaga hor tagto kulanka caawa:

POSS BAR XI vs. VAL

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*