Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto Man City Sabtida.

Mikel Arteta iyo kooxdiisa ayaa kulan adag ku bilaaban doona kulan adag kadib fasaxii xulalka iyaga oo la ciyaari doona kooxda Man City kulan adag.

Tababare Mikel Arteta ayaa ka hor iman doona tababare Pep Guardiola xilli ay Arsenal ku jirto wakhti fiican halka ay Man City ku jirto wakhti aan fiicnayn.

Arsenal ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo la filayo in uu kulankisii ugu horeeyay ciyaaro xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey kaas oo ku soo biiray kooxda xagaagii.

Arsenal ayaan ilaa haatan ka cabanayn wax dhaawacyo ah intii lagu jiray fasaxa xulalka waxana uu Arteta rajaynayaa in ay xiddigihiisu maalmaha soo socda u soo laabtaan iyaga oo caafimaad qaba.

Sii Akhriso: Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*