Shaxda Laga Sameeyay Xiddigaha Ugu Qaalisan Ee Ku Hadhay 8 Dhamaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Waxa caawa bilaaban doona kulamadii ugu horeeyay ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo maalmaha soo socda lagu kala bixi doono wareegan.

Wareegan ayaay ka ciyaarayaan xiddigo badan oo fiican oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kana mid ah xiddigaha ugu fiican tartanka xilli ciyaareedkan.

Ka hor bilaabashada tartanka waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha ugu qaalisan ee ilaa haatan ku jira tartanka champions League.

Xiddiga ugu qaalisan shaxdan ayaa ah xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe kaas oo ku fadhiya qiimo lacageed oo dhan 128 milyan oo euro.

Waxa ku xiga xiddigaha Kooxaha PSG iyo Man City ee Neymar iyo Raheem Sterling kuwaas oo ku fadhiya lacag dhan 128 milyan oo euro.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*